Home Wararka Maanta Xilliga ay dhaceyso Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo la shaaciyay

Xilliga ay dhaceyso Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo la shaaciyay

Waxaa maanta la soo saaray jadwalka Guddoonka Baarlamaanka Galmudug, ka dib markii ay maanta Magaalada Dhuusamareeb ku kulmeen Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

Guddigan oo ka kooban shan iyo toban xubnood ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka soo saaray jadwal ay tahay in loo raaco Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiye Kuxigeenka.

Jadwalka ayaa waxaa ku cad in Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug la qaban doono 17-ka bishan, oo ku aadan maalinta Jimcaha.

Musharaxiinta u tartameysa Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Gudoomiye Kuxigeenka ayaa waxaa araajida laga qaban doonnaa 14-ka illaa 15-ka bishan. Musharaxiinta ayaana khudbadahooda jeedin doona 16-ka bishan January.