Home Dhacdooyinka Xarunta Wasaaradda Qorsheynta oo qaab casri ah loo dhisay (SAWIRRO)

Xarunta Wasaaradda Qorsheynta oo qaab casri ah loo dhisay (SAWIRRO)

Waxaa maanta xariga laga jaray Xarunta Wasaaradda Qorsheynta Somaliya ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii muddooyinkii ugu dambeysay dib u dhis iyo dib habaynba lagu waday.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa xariga ka jaray Xarunta Wasaaradda Qorsheynta, xilli uu goobjoog ka ahaa Safiirka Qatar ee Somaliya, Amb. Hassan Hamza.

Dowladda Qatar ayaa maalgelisay barnaamijka dib dhiska ballaaran loogu sameeyay Xarunta Wasaaradda Qorsheynta, waana mid ka mid ah mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka sameysay.

Munaasabadda xariga looga jaraayay Xarunta Wasaaradda Qorsheynta ayaa waxaa ka soo qaybgalay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo Siyaasiyiinba.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka oo ka hadlay madasha munaasabadda ayaa Dowladda Qatar kaga mahadceliyay taageerada, ay la garab taagan tahay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeedba.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha caalamka ee xiriirka wanaagsani uu kala dhaxeeyo Dowladda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu hoggaamiyo, waxayna dalka ka fulisay mashaariicda horumarineed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com