Home Wararka Maanta Xaaladihii ugu dambeeyay Coronavirus ee dalka laga diiwaangeliyay

Xaaladihii ugu dambeeyay Coronavirus ee dalka laga diiwaangeliyay

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa soo bandhigtay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19, ee dalka laga diiwaangeliyay afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in dalka laga diiwaangeliyay 20 xaalad oo cusub, kuwaa oo 18 ka mida laga helay Somaliland, iyadoo min 1 laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir iyo Jubbaland.

Warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in 18 ka mida bukaanada cusub ay lab yihiin, halka 2-da kalana ay dumar yihiin.

22 bukaan oo cusub ayaa la bogsaday xanuunsidaha COVID-19 ee Coronavirus uu keeno, waxayna tirada guud ee ka bogsatay ka dhigeysaa 932 qof.

Sida lagu sheegay warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaan jirin bukaan dalka ugu geeriyooday xanuunkan 24-kii saac ee ugu dambeysay, waana maalintii 10-aad oo aan dalka laga soo warin xaalado dhimasho ah.

Wasaaradda Caafimaadka ayaase horaan u diiwaangeliyay 90 xaaladood oo dhimasho ah, ka dib markii laga kala xaqiijiyay deegaano kala duwan oo dalka ah.

Dadka laga helay xanuunka COVID-19 ee dalka ayaa waxay wadartoodu guud gaareysaa 2,924 qof, sida lagu sheegay warbixintan ugu dambeysay ee caawa ka soo baxday Wasaaradda Caafimaadka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com