Home Wararka Maanta Weerar ismiidaamin oo goor dhow ka dhacay Magaalada Garoowe

Weerar ismiidaamin oo goor dhow ka dhacay Magaalada Garoowe

Qarax xoogan ayaa caawa gilgilay Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland, ka dib markii lala eegtay masuuliyiin Pundland ka tirsan.

Nin naftii hallige ahaa ayaa bartilmaameedsaday gaadiid ay la socdeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xersi iyo Taliyihii hore ee Qaybta Booliska Gobolka, Faarax Galangoli.

Wararka ayaa sheegaya in masuuliyiinta lagu weeraray xilli ay ku sugnaayeen agagaarka Saldhiga Qaybta Booliska, isla-markaana ay weerarkaasi ku dhaawacmeen.

Masuuliyiintan iyo tiro kale oo ilaaladoodii ahayd ayaa lagula cararay Isbitaalka Guud ee Garoowe, halkaasoo xaaladooda lagula tacaalayo.

Masuuliyadda weerarka ayaa waxaa sheegtay Ururka Al Shabaab, oo qirtay in mid ka mid ah maleeshiyadooda uu weerarkaasi fuliyay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com