Home Wararka Maanta Wasiiru dowlihii Wasaaradda hawlaha guud oo iscasilay

Wasiiru dowlihii Wasaaradda hawlaha guud oo iscasilay

Wasiiru dowlihii Wasaaradda Hawlaha Guud ee Xukuumadda Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi.

Qoorqoor ayaa iscasilaadiisa wuxuu kaga dhawaaqay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, halkaasi uu galabta gaaray.

Axmed Cabdi Kaariye ayaa wuxuu ka mid yahay Musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada Maamulka Galmudug.

Doorashada Galmudug ayaa waxaa ka haray maalmo kooban oo kaliya, waxaana socda loolan adag oo ay wadaan Musharaxiinta u hanqal taageysa hoggaanka Galmudug.

Wasiiru dowlihii Wasaaradda Hawlaha guud ee maanta iscasilay, ayaa waxaa lagu xantaa inuu yahay Musharax ay wadato dowladda Federalka Somaliya si uu ugu soo baxo doorashada Maamulka Galmudug.