Home Wararka Maanta Wasiir Warfaa oo xafiiskiisa ku qaabilay General Bashiir Goobe (SAWIRRO)

Wasiir Warfaa oo xafiiskiisa ku qaabilay General Bashiir Goobe (SAWIRRO)

Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada Somaliya, Sadiiq Xersi Warfaa ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed, General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka, Xassan Abshirow Maxamed ayaa lagu bogaadiyay hawlaha Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed.

Wasiir Warfaa ayaa Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed ku dhiirigeliyay inuu dardargeliyo shaqada uu Qaranka u hayo, isagoo uga mahadceliyay is bedelada uu sameeyay muddadii yareed ee uu xafiiska joogay.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray wada-shaqayn dhow, oo ay Wakaaladdu la yeelato Wasaaradda iyo Guddiga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com