Home Wararka Maanta Wasaaradda Waxbarashada oo Masaarida kala wareegeysa Iskuulka 15 May

Wasaaradda Waxbarashada oo Masaarida kala wareegeysa Iskuulka 15 May

Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare ee Somaliya ayaa waxaa lagu wadaa in 20-ka bisha soo socoto ee April, ay la wareegto Iskuulka 15 May ee Magaalada Muqdisho.

Iskuulkan ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeysay ka hawlgalayay Macalimiin Masaari ah, oo Dowladda Somaliya kala shaqeeya arrimaha waxbarashada. Labada dhinac ayaana isu waafaqay kala wareegistaasi.

15 May School oo ku yaala Degmada Warta Nabadda (Ex Wardhiigley) ayay Wasaaradda Waxbarashada u bedeli doontaa goob lagu tababaro hablaha Soomaaliyeed, kuwooda macalinimada loo qaato.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com