Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay xaaladda ka dhalatay kufsigii iyo dilkii Xamdi Maxamed

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda ka dhalatay kufsigii iyo dilkii Xamdi Maxamed

Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay inay si adag uga dhiidhiyaan kufsigii iyo dilkii maalin ka hor Magaalada Muqdisho loogu gaystay Xamdi Maxamed Faarax.

Dadweyne ka careysan falkaasi ayaa maanta isugu soo baxay afaafka hore hotelkii lagu kufsaday, lagana soo tuuray marxuumadda, iyagoo markaasi muujinaya dareenkooda ku aadan.

Xamdi Maxamed ayaa Jimcihii lagu kufsaday hotelkan oo ku yaala xaafadda 1da Maajo ee Degmada Waaberi, iyadoo kufsiga ka dibna la sheegay in dhismahaasi laga soo tuuray.

Dadweynaha isu soo baxa sameeyay ayaa la arkaayay iyagoo dhegxaan ku tuuraaya hotelkaasi, sidoo kalana taayeero ku horgubaaya afaafka hore ee dhismahaasi, waxayna ku dhawaaqayeen hal-ku-dhigyo muujinaya inaanu dalka garsoor sax ahi ka jirin.

Tani ayaa waxaa soo dedejisay ka dib markii odayaasha ku heybta ah ragga falkaasi loo hayo ay qoyska marxuumadda ka dalbadeen in dhacdadaasi lagu xaliyo gogol iyo xeer jajab.

Bannaanbaxayaasha oo ay horkacayeen ehelada gabadhaasi ayaa Warbaahinta la hadlay, waxayna Dowladda Federaalka ka dalbadeen inay cadaalad hesho gabadhooda.

Inkastoo Ciidanka Booliska ay falkaasi u soo xireen afar nin ayaynaan haweenka Gobolka Banaadir ku kalsoonayn baaritaanka ay wadaan laamaha ammaanka, xilli ay ka walaacsan yihiin inaanu baaritaanku u dhicin, sidii loogu talagalay.

Waxaa jira warar sheegaya in maanta odayaal ku heyb ah xubnaha la soo xiray, ay taggeen Xarunta Hay’adda Dembi Baarista (CID) ee Magaalada Muqdisho, si ay ugu muujiyaan inay garab taaganyihiin.

Sii Hayaha Wasiirka Haweenka & Xuquuqul Insaanka, Deeqa Yaasiin ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in kufsaday Xamdi Maxamed, ka hor intii aan la dilin. Wasiiradda waxay warka ku sheegtay in tacaddi fool xun lagula kacay gabadhaasi Soomaaliyeed.

Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in qof kasta ka qayb qaato, sidii loo ilaalin lahaa sharafta haweenka Soomaaliyeed.

“Haddii waxba laga qaban-waayo oo qof walba indhaha ka fiirsado masuuliyaddii la qaadan-waayo, qof walbana meeshii kaga aadan ka qaadan-waayo, bulshadii ayaa wada baaba’eysa doontiina way kiideysaa, oo baddii ayay hoos u galeysaa. Marka qof kasta oo qayb ka noqon kara badbaadinta dumarka, badbaadinta gabdheena sharafta badan ee xumaatadaas ay ku dhaceyso, runtii waajib weyn waxaa saaran inuu badbaadaas qayb ka noqdo.” Ayuu yiri Sheekha oo la hadlay Radio Kulmiye.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka ee Gobolka Banaadir, Jawaahir Maxamuud Jaamac (Jawaahir Baarqab) oo la hadashay BBC ayaa ku baaqday in Xamdi Maxamed ay hesho cadaalad.

Xamdi Maxamed waxay ka mid ahayd ardaydii sanadkan u fariisatay imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga Sare, kuna soo baxday imtixaankii adkaa, ee ay martay. Sidoo kale waxay Xamdi Maxamed noqoneysaa ardayadii labadii ee sanadkan imtixaanka ku baastay ee la dilo, marka laga soo taggo Taabit Cabdullaahi Xasan Raabi, oo Jimcihii ku dhintay ismiidaamintii ka dhacday Magaalada Kismaayo.

Cabdullaahi Goodax Barre, Sii Hayaha Wasiirka Waxbarashada Somaliya ayaa sheegay in kuwii falkaasi u gaystay gabadha, ay baabi’iyeen hamigeedii iyo weliba rajadii ay reerkeeda ka lahaayen.

“Waxaan aad u cambaareynayaa kufsiga iyo dilka foosha xun ee loo geystay Allaha u naxariistee Xamdi Maxamed Faarax, oo ka mid ahayd ardaydii sanadkan u fariisatay imtixaankii shahaadiga ahaa ee Dugsiga Sare. Waxay baabi’iyeen hamigeeda iyo rajadii ay reerkeeda ka lahaayen. Kufsiga iyo ku xadgudubka gabdhaheena sharafta leh waa dambi iyo diin la’aan, waana dhaqan aad u xun oo maalmahan nagu soo xoogeystay. Waxaan ka codsanayaa Hay’adaha Garsoorka in ay sida ugu dhaqsaha badan ay mudankooda ku marsiiyaan wuxuushtii falkan foosha xun ku dhaqaaqday.” Ayuu yiri Wasiir Goodax oo warkan ku sheegay bartiisa xiriirka bulshada ee Twitter.

Masuuliyiinta iyo shacabkuba waxay dalbanayaan in cadaaladda la horkeeno kuwii ka masuulka ahaa falkaasi, isla-markaana la marsiiyo waxa uu mudankoodu yahay.

Su’aalse waxay ka taagantahay hay’adaha ammaanka iyo garsoorkuba ma meelmarin doonaan waxa laga dalbanayo mise sidii looga bartay ayay kiiskaana isu daba-marin doonaan.

Si kastaba ha-ahaatee dhacdadan ayaa taabatay dareenka shacabka Soomaaliyeed, waxayna noqotay midda loogu hadalhaynta badanyahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com