Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay xaaladaha Coronavirus ee dalka laga xaqiijiyay

Wararkii ugu dambeeyay xaaladaha Coronavirus ee dalka laga xaqiijiyay

Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa waxay maanta xaqiijisay xaalado hor leh oo la xiriira xanuunsidaha COVID-19 ee uu keeno Coronavirus iyo 5 bukaan ah oo xanuunka u geeriyooday.

Warbixinta maalinlaha ee COVID-19 ayay Wasaaradda Caafimaadka ku sheegtay in dalka oo idil laga diiwaangeliyay 60 xaaladood oo cusub, kuwaa oo intooda badan laga xaqiijiyay Jubbaland.

32 ka mida xaaladahan cusub ayaa waxaa laga diiwaangeliyay Jubbaland, iyadoo Somaliland laga xaqiijiyay 18, Galmudug 4 xaaladood iyo 6 xaaladood oo laga xaqiijiyay Gobolka Banaadir.

Bukaanada cusub ee xanuunka laga helay 53 ka mida waxaa weeye rag, halka 7-da kalana ay haween yihiin, sida lagu sheegay warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka.

Tani ayaa waxay ka dhigeysaa tirada guud ee dalka laga diiwaangeliyay 1,976 xaaladood. 348 bukaan ayaa xanuunka ka bogsaday, halka 78 bukaana ay u geeriyoodeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com