Home Wararka Maanta Villa Somalia oo sheegtay Beesha Caalamka inaysan macno u yeelin Xukuumaddii la...

Villa Somalia oo sheegtay Beesha Caalamka inaysan macno u yeelin Xukuumaddii la riday

Madaxtooyada Somaliya ayaa sheegtay sheegtay Beesha Caalamka in aanan looga baahneyn xilligaan inay macno wayn u sameysay Xukuumad la kala diray, iyadoo ay dhisam yihiin Hay’addaha Dastuuriga ee dalka.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed oo la hadlay Idaacadda BBC, ayaa wuxuu sheegay Beesha caalamka kaalin muuqata inay ka qaadatay dib u dhiska dowladnimada Somaliya, loona baahan yahay inay wali garab taagnaadaan Somaliya.

Agaasime Cabdi Nuur, ayaa sheegay haddii xilka laga qaaday Ra,iisul Wasaarihii dalka, shaqada Qaranka ay sii soconayso, waxaana uu tilmaamay arrimaha Doorashooyinka inay ku dhacaan wax waliba waqtigooda.

Wuxuu sheegay in Beesha Caalamku ay tan iyo intii uu burburku ku dhacay dalka ahayd mid u taagan dowlad u dhisidda Soomaaliya, kaalin mug lehna ka qaadatay sidii dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh, taladeeduna ay Soomaali leedahay loo dhisi lahaa.

“Waxaan aaminsan nahay in dadaallada ay Beesha Caalamku sameysay ay meel fiican nasoo gaadhsiiyeen, walina nala garab taagan yihiin, laakiin waxaad ogaataa, haddii ay beesha caalamku rabtay inay qof maalgashato, oo ay awooddeeda isugu geyneysay, qofkii xukuumaddii uu hoggaaminayayba way tageen, balse haddii ay rabto in hay’ado dastuuri ah oo dhisan garab taagnaato, oo ay dhismahooda kasii qeyb qaadatana waxaa jooga madaxweynihii sharciga ahaa ee Ra’iisul Wasaaraha magacaabay.” ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa wata ayuu intaas ku daray: “Wali Beesha Caalamka way u furan tahay inay Soomaaliya kala qeyb qaadato dhismaha hay’adaha dowladda, oo ay ka mid tahay maxkamadda dastuuriga ah ee guddigeeda ay golaha Wasiirrada Magacaabeen. Marka waxaan Beesha Caalamka ka fileynaa inay garab istaagto dhismaha hay’adaha dastuuriga ah, balse kama sugeyno inay xil ka qaadis ama xukuumad la kala eryay micno weyn noogu yeelaan.” ayuu yidhi.

Waxaa jira Cadaadis ka imaanaya Xubnaha Beesha Caalamka oo ku aadan xil ka qaadistii lagu sameeyay Ra,iisul Wasaarihii Somaliya Xasan Cali Khayre, walina ma jirto Ra’iisul Wasaare cusub oo la magacaabay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com