Home Wararka Maanta Ururka Qareenada Soomaaliyeed oo ka horyimid magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka

Ururka Qareenada Soomaaliyeed oo ka horyimid magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka

Ururka Qareenada Soomaaliyeed ayaa waxay ka horyimaadeen magacaabidda Golaha Adeegga Garsoorka, oo maalintii Khamiista ay soo magacaabeen Golaha Wasiirada Somaliya, ee aan heysan codka kalsoonida ee Golaha Shacabka.

Ururka Qareenada ayaa sharci-darro ku tilmaamay dhabaha loo maray magacaabidda Golaha Addeegga Garsoorka, iyagoona sababta ku sheegay shanta xubnood ee la magacaabay in laba ka mida ay ahayd inay soo magacaabaan Ururka Qareenada.

War Saxaafadeedka Ururka Qareenada Soomaaliyeed

Golaha Adeegga Garsoorka wuxuu udub-dhaxaad iyo bud-dhig u yahay Hay’adda Garsoor Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

Wuxuu ahmiyad gaar ah u leeyahay madaxbannaanida, tayada, hufnaanta iyo xaqsoorka Garsoorka Dalka.

Shirkii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda xil-gaarsiinta ee ku taariikhaysnaa 30-kii bisha Luuliyo 2020 ayaa lagu ansixiyay shan xubnood oo la sheegay in ay ka mid noqonayaan xubnaha ku imaanaya magacaabidda ee Golaha Adeegga Garsoorka.

Sida uu dhigayo Qod.109A, Faqraddiisa 2aad, Xarafka “D” ee Dastuurka KMG: Labo Xubnood oo ka mid ah Shanta xubnood ee ku imaanaya magacaabista waxaa soo magacaabaya Ururka Qareenada Soomaaliyeed, waxayna xilka haynayaan muddo Afar Sano ah.

Sidoo kale Xarafka “E”, Faqradda laad, Qod.6aad ee Sharci L.28 soona baxay 8-dii Luuliyo 2014 (Sharciga dhisidda Galaha Adeegga Garsoorka) waxay jideynaysaa in Ururka Qareennada Soomaaliyeed soo magacaabayo Labo Qareen sare oo ka tirsan Ururka oo xilka haynaya muddo Afar Sano ah.

Haddaba, Ururka Qareenada Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in shanta xubnood ee ay magacaabeen Golaha Wasiirada Xukuumadda xil-gaarsiinta aysan ka tirsanayn Ururka Qareenada Soomaaliyeed iyo Ururrada Qareenada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, sidoo kale aysan ka mid ahayn qareenada ku qoran diiwaanka Qareennada ee (ALBO), sidaasi darteedna habraaca magacaabiddoodu uu noqonayo mid baal-marsan Dastuurka iyo Sharciga Golaha Adeegga Garsoorka.

Ururka Qareennada Soomaaliyeed isagoo la tashanaya Ururrada Qareennada Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka wuxuu u gudbin doonaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com