Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Booliska oo gaaray Degmada Afgooye

Taliyaha Ciidanka Booliska oo gaaray Degmada Afgooye

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta hawlo kormeer ah u tagay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Socdaalka Taliyaha ee Degmada Afgooye ayaa la xiriira u kuurgelidda iyo qiimeyn, ay tahay inuu ku soo sameeyo fatahaadaha xoogan ee laga soo sheegayo degmadaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale u kuurgelaaya xaaladda amni ee Degmada Afgooye, isagoona gelinkii dambe ee maanta kormeeray Saldhiga Booliska iyo Taliska Ciidanka Daraawiishta.

Dhanka kale Jananka ayaa warbixino ka dhageystay Taliye-yaasha Booliska, Daraawiishta iyo Gudoomiyaha Degmada Afgooye, Ibraahim Cumar Qaasim (Ibraahim Carab).

General Xijaar ayaa Saraakiisha Ciidamada kula dardaarmay inay xaqiijiyaan, oo ay suggaan ammaanka Degmada Afgooye, si kooxaha nabadiidka uga faa’iideysan fatahaadaha xilligan ka jira.

Socdaalka General Xijaar ayaa loo maleynaya mid horudhac u ah kormeer lagu wado in uu halkaasi ku gaaro Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), haddii aanu waxba iska bedelin, sida uu qorshuhu yahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com