Home Uncategorised Taallo cusub oo Mau Mau looga dhisay Magaalada Nairobi (Daawo Sawirada)

Taallo cusub oo Mau Mau looga dhisay Magaalada Nairobi (Daawo Sawirada)

Magaalada Nairobi, ayaa Sabtidii daaha looga rogay taallo cusub oo loo dhisay halgamayaashii Mau Mau, ee dagaalka adag la galay Ciidamadii Boqortooyada Britain, sideedii sano ee ugu dambeysay, ay Britain gumeysaneysay dalkaasi.

Beerta weyn ee Uhuru Park, ayaa laga hirgeliyay talladan cusub, waxaana loo dhisay dadkii la jirdilay amaba loo dhibaateeyay, inay ka soo horjeedeen gumeysigii Britain. Waxaana lagu macneeyay astaan lagu xusuusan doono dadkaasi.

Mau Mau waxaa ku mideysnaa kacdoonkii reer Kenya ee diidanaa gumeysigii Britain, waxaana Mau Mau xornimo buuxdo looga dalbanaayay Boqortooyada Britain, intii u dhaxeysay 1952-1960-kii.

Danjiraha Britain u fadhiya dalka Kenya, Christian Turner, ayaa sheegay dhisidda taalladan inay calaamad u tahay dib u heshiisiinta u dhaxeysa Britain, Mau Mau iyo dhammaan dadkii ay dhibaatadu soo gaartay buu yiri xilligii lagu jiray xaaladda deg degga ah.

“Taalladan waxay u taagan tahay inay calaamad u tahay dib u heshiisiinta u dhaxeysa Dowladda Britain, Mau Mau iyo dhammaan dadkii ay dhibaatadu soo gaartay xilligii lagu jiray xaaladda deg degga ah.  Waxayna aqoonsi u tahay dhibaatada aan wadaagno ee taariikhda labada dal soo maray.” Ayuu yiri Christian Turner.

Dhowr kun oo qof oo isugu soo baxay halka laga hirgeliyay taallada, ayaa isku deyaayay inay taabtan taalladaasi, isla-markaana ay sawiraan isaga qaadaan.

Dhismaha taalladan, ayaa waxaa ku baxay adduun lacageed oo gaaraaya boqol soddon iyo sideed kun oo lacagta Mareykanka ah ($138,000).

Mau Mau Mau Mau1 Mau Mau2 Mau Mau3 Mau Mau4 Mau Mau5 Mau Mau6 Mau Mau7 Mau Mau8 Mau Mau9 Mau Mau92 Mau Mau93