Home Wararka Maanta Suuqa weyn ee Magaalada Xudur oo xiran iyo saamayn ka dhalatay

Suuqa weyn ee Magaalada Xudur oo xiran iyo saamayn ka dhalatay

Wararka ka imaanaya Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in maalintii labaad uu xiran yahay Suuqa weyn ee magaaladaasi, ka dib markii ganacsatada ay ka horyimaadeen canshuur lagu amray inay bixiyan.

Maamulka Xudur ayaa ganacsatada ku soo rogay canshuurtan, xilli ay la daallaa dhacayeen go’doominta Ururka Al Shabaab uu ku hayo magaaladaasi iyo saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay xanuunsidaha COVID-19.

Xerow Sanweyne Xasan, Gudoomiyaha Ganacsatada Xudur ayaa sheegay inaanay bixin karin canshuurta lagu amray inay bixiyan, taasoo culeys ku ah sida uu yiri ganacsatada.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay markii ganacsatada ay dareemeen culeyska dhaqaale ee ganacsigoodii uu u leeyahay bixinta canshuurtan, ay garowsadeen inay albaabada isugu laabaan goobahoodii ganacsi.

Isagoo la hadlayay Laanta afka Somaliga ee VOA ayuu muujiyay in Suuqa Magaalada Xudur uu sii xirnaan doono, illaa iyo inta uu maamulka dib uga laabanayo canshuurta uu ku soo rogay.

Xirnaanshaha Suuqa weyn ee Magaalada Xudur ayaa laga dareemay magaaladaasi, sida ay ku waramayan dadka wax ku qora barraha bulshada.

Maamulka Gobolka Bakool iyo kan degmadaba ayaan weli ka hadlin xirnaanshaha suuqa ganacsiga ugu weyn Magaalada Xudur iyo waxa ay ka yeelanayan cabashada ganacsatada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com