Home Wararka Maanta Somaliya oo gaartay barta go’aan qaadashada ee dayn cafinta

Somaliya oo gaartay barta go’aan qaadashada ee dayn cafinta

Warbixin ka soo baxday Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa lagu sheegay in Somaliya ay gaartay hal abuurka daymaha looga cafinayo wadamada faqriga ama waxa loo yaqaano barta go’aan qaadasha dayn cafinta

Somaliya waa waddanka 37aad oo gaara heerkaan dayn cafinta, waxaana ay ku timid dadaal dowladda Federaalka Somaliya ay ku bixisay dib u habeynta hey’adaha maaliyadda dalka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Waxa ay Somaliya u dhaqaaqaysaa hannaanka dhameystirka dayn cafinta oo qaadanaya sadax sano.”

‘’Waxaan jeclahay in aan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyo guusha dadaalkii sanadihii la soo dhaafay ay ku bixiyeen dib u habeynta maaliyadda oo halkaan na soo gaarsiyay.” Ayay tiri Agaasimaha maamulka Hay’adda Lacagta Adduunka, Kristalina Georgieva.

Agaasimaha MF ayaa intaa ku dartay in dib u habeynta maamulka Maaliyadda Soomaaliya ee ay dowladdu smaeysay in ay hogaamisay kobac dhaqaale.

Madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa soo dhaweeyay guusha Somaliya ka gaartay dayn cafinta

“Waxaan dadaalka Somaliya ku bixisay soo celinta hannaan degan oo lagu yareeyo faqriga, dib ugu soo noqoshada nidaamka maaliyadda caalamiga ah, waa waa mid taariikhi ah iyo horumar ay ku talaabsatay Soomaaliya.” Ayuu yiri Madaxweynaha Bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda Somaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in guusha maanta laga gaaray dayn cafinta in ay ku timid dadaal xooggan oo dowladdu ku bixisay dib u habeynta dhaqaalaha dalka, ayna sii wadi doonto, si ay u xaqiijiso horumar dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin go’aanka ka soo baxay oo Somaliya u suuragalinaya in ay dib ula soo noqoto xiriirkii dhaqaalaha caalamiga, waxaana uu tilmaamay in ay ku timid dadaal xoogan, oo ay dowladdu bixisay, iyada oo la shaqaynaysa hay’adaha dhaqaalaha caalamka, sida Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka.

SONNA.