Home Wararka Maanta Somaliland oo shaacisay kiisas hor leh oo ku aadan Covid-19

Somaliland oo shaacisay kiisas hor leh oo ku aadan Covid-19

Soomaaliland ayaa Maanta oo Isniin ah shaacisay natiijada dad looga shakisanaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus, kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka COVID-19.

War kasoo baxay Guddiga Soomaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in la baaray 75 qof balse cudurka laga helay 28 ruux, kuwaas oo kala jooga 21 qof Magaalada Hargeysa, Boorama 6 qof iyo hal qof oo jooga Magaalada Gibileey, isla markaana ay ku jiraan dadkaasi xaalad karantiil ah.

Sidoo kale Guddiga waxa ay sheegeen in hal Ruux oo horleh oo deganaa Magaalada Hargeysa uu Cudurka u dhintay taas oo dadka deegaannada Soomaliland ugu dhintay COVID-19 ka dhigeysa 22 Ruux halka Cudurka ay ka bogsadeen Saddex Ruux.

Ugu dambeyn Guddiga waxa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaliland ay gaartay 332 Ruux 43 Qof ay ka bogsoodeen halka 22 Ruux ay u geeriyoodeen.

Sida muuqata deeganada Somaliland waxaa ku sii faafata Coronavirus, maadaama Bulshada dhexdeeda uu ku yar yahay hanaanka ka hortagga Covid-19.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com