Home Wararka Maanta Somaliland oo caawa xaqiijisay in laba qof laga helay Coronavirus

Somaliland oo caawa xaqiijisay in laba qof laga helay Coronavirus

Somaliland ayaa waxay caawa xaqiijisay in laga qof laga helay caabuqa dilaaga ah ee COVID-19, ee ka dhashay fayriska Corona.

Guddiga ka hortagga xanuunka Coronavirus ee Somaliland ayaa waxay shaaciyeen in labadaasi qof laga helay xanuunkaasi, ka dib markii baaritaan lagu sameeyay.

Cumar Cali Cabdullaahi, Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in labada qof ee xanuunka laga helay, ay u kala dhasheen Somaliland iyo Shiinaha.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Wasaaraddiisa ayaa tilmaamay in muwaadinka laga helay xanuunkaasi uu ku sugan yahay Magaalada Burco, halka ninka labaadna uu joogga Magaalada Berbera.

Waxa uu intaa ku daray in muwaadinka laga soo sheegay cudursidaha Coronavirus, uu dhawaan ka soo laabtay dalka Britain.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in Masuuliyiinta Caafimaadka lagu amray, in ay baaraan dadkii ay la macaamileen labadaasi qof.

Isniintii shalay ayay ahayd, markii Guddiga Somaliland u qaabilsan ka hortagga Coronavirus ay sheegeen in dheecaano laga qaaday saddex qof, si looga baaro xanuunkaasi.

Telefishinka Qaranka Jabuuti ayaa Axadii tebiyay in afar qof oo ka soo gudbay xadka Somaliland laga helay caabuqa faraha kulul dunida ku haya ee COVID-19.

Waa markii ugu horeysay oo Somaliland laga diiwaangeliyo laba kiis, oo la xiriira Coronavirus.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com