Home Wararka Maanta Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha oo Guddoomiyay Shir muhiim ah

Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha oo Guddoomiyay Shir muhiim ah

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah ee dalka ka jira.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay wax ka qabashada fatahaadaha, COVID19 iyo ayaxa oo kamid ah xaaladaha ugu daran ee xilligaan dhibaatada ku haya dalka.

Kulanka intii uu socday waxaa la isla gartay in la sameeyo guddi isku dubba rida oo ka shaqeeya howlaha ku xeeran wax ka qabashada, mudnaan siinta iyo dardar gelinta dadaallada lagu yareynayo qatarta.

Shirkaan maanta dhacay ayaa ku soo aadaya, iyadoo Magaalooyin badan oo dalka ka mid ay ka jiraan qataro ka dhashay Masiibooyin dabiici ah oo ay ka mid yihiin fatahaadaha soo laa laabtay ee dalka ka dhaca.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com