Home Wararka Maanta Shariif Xasan “Khilaafka Madaxda Dowladda wuu ka gudbay xilligii la heshiisiin lahaa”

Shariif Xasan “Khilaafka Madaxda Dowladda wuu ka gudbay xilligii la heshiisiin lahaa”

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxa uu ka hadlay aragtidiisa ku aadan khilaafka xoogan, ee ka dhex aloosan Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Madaxweynaha, ayaa ku waramaaya in khilaafka Madaxda Dowladda uu xilligaan ka gudbay, heer wax laga qaban karay, haddii mooshin loo gudbiyay Baarlamaanka Federalka Somaliya.

“Khilaafka Madaxda Dowladda wuu ka gudbay xilligii la heshiisiin lahaa. Arrinta hadda waxay mareysaa in mooshin loo gudbiyay Baarlamaanka.” ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

“Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa laga rabaa inuu ka hadlo waxa mooshinka uu yahay, haddii uu sax yahay iyo haddii kale.” Sidaasi waxaa yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo la hadlaayay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho.

Wuxuu kaloo yiri “Haddii mooshinka uu yahay mid sharci ah, Gudoomiyaha ayaa laga rabaa inuu Baarlamaanka horkeeno, lagana doodo.”

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa qiray in Madaxda Dowladda ay is qaban karaan, kala fikir duwanaan karaan, isla-markaana ay ku kala aragti duwanaan karaan shaqada ay hayaan.

“Madaxda way is qabtaan, way kala fikir duwanaan karaan, wayna kala aragti duwanaan karaan.” ayuu yiri Shariif Xasan, oo Isniintii loo doortay Madaxa Maamulka Saddexda Gobol ee Koonfur Galbeed.