Home Wararka Maanta Shaqsi lagu tuhmaayo ku lug lahaanshaha falkii lagu dilay Xamdi oo Cadaado...

Shaqsi lagu tuhmaayo ku lug lahaanshaha falkii lagu dilay Xamdi oo Cadaado lagu qabtay

Ciidamada Booliska Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, aya xalay waqti dambe waxa ay gacanta ku dhigeen shaqsi lagu tuhmaayo inuu ku lug leeyahay falkii kufsig & dilka isugu jiray ee loo gaystay Xamdi Maxamed Faarax.

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Somaliya Zakia Huseen ayaa sheegtay shaqsigaan oo ku dhuumaaleysanaya guri ku yaallo Magaalada Cadaado in Ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen.

Eedeysanaha la soo qabtay ayaa waxaa lagu magacabaa Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka ka dib.

Taliye Zakia ayaa sheegtay inay u mahadcelinayso shacabka Magaalada Cadaado oo door muhiim ah ka qaatay soo qabashada shaqsigaan Booliska gacanta ku hayaan.

“Waxaa u mahad celineenaa shacabka Galmudug oo ciidanka boliiska ku gacan siiyay soo qabashada eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa.”

Illaa 11 ruux oo eedeysanayaal ah ayaa u xiran kiiskii kufsiga & dilka ee lagula kacay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, taasi oo falkii lagu dilay Jimcihii uu ka dhacay Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com