Home Wararka Maanta Shabaab oo toogtay lix ruux oo Jawaasiis ku eedeeyeen

Shabaab oo toogtay lix ruux oo Jawaasiis ku eedeeyeen

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay inay magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe ku toogteen lix nin oo lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin “basaasiin”.

Wararka ay baahiyeen warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa ku eedeeyey lixda qof inay u kala basaasayeen dawladda Soomaaliya, Kenya iyo Maraykanka.

Maxkamadaha Al-Shabaab ayaan oggolaan qareenno inay difaacaan dadka lasoo eedeeyo, waxaana xukunka lagu ridayaa “qirasho” la sheego inay eedeysanayaasha sameeyaan.

Shabaab ma aysan soo bandhigin magacyada xubnaha ay eedeeyeen ee dilka toogashada ah lagu fuliyay.

Si kastaba, waxaa dadka kasoo goostay Al-Shabaab ay sheegaan in dadka lasoo eedeeyo la jirdilo si loogu qasbo qirasho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com