Home Wararka Maanta Shabaab oo gacanta ka gooyay wiil dhalinyaro ahaa

Shabaab oo gacanta ka gooyay wiil dhalinyaro ahaa

Ururka Al Shabaab ayaa deegaan ku yaallo Gobolka Shabellaha hoose, waxa ay gacanta uga jareen wiil dhalinyaro ahaa oo maxkamadda Shabaabka xukun ay ku riday.

Cismaan Manuurey Maxamed oo ka mid ah dadka ku nool tuulada Doon Buraale ee Duleedka Degmada Qoryooley ayaa Shabaab waxa ay ku eedeeyeen inuu sameeyay fal xatooyo ah.

Qaadiga maxkamadda Shabaab ee Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegay in Cismaan uu jabsaday dukaan, islamarkaana uu qaatay lacag dhan lix Milyan oo Shiling Somali ah.

Fagaare ku yaallo tuulada Doon Buraale, ayaa la isugu yeeray dadka deegaanka, waxaana halkaasi ka dhacay xukunka gacan goynta ee lagu sameeyay Cismaan.

Ma jiraan cid u dooda eedeysanayasha Shabaab ay soo taagaan maxkamadahooda, balse waxa ay ku ridaan kaliya xukun hal dhinac ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com