Home Wararka Maanta Shabaab & dadka deegaanka Ceel Cali oo ku dagaalamay Dhagaxyo

Shabaab & dadka deegaanka Ceel Cali oo ku dagaalamay Dhagaxyo

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Ceel cali oo ka tirsan Gobolk Hiiraan, Shabaab & dadka deegaanka ayaa waxa ay ku dagaalameen dhagaxyo qaali ah.

Dhagaxyadaan ayaa lagu arkay deegaanka Ceel Cali, waxaana aruursaday dadka deegaanka, balse qaar ka mid dadka deegaanka ayaa xog la wadaagay Shabaab, waxaana ay u sheegeen in la helay dhagaxyo qiimahooda sareeyo.

Intaasi kadib Shabaab waxa ay weerar ku qaadeen dadkii haystay dhagaxyadaasi, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeya Shabaab & dadka deegaanka, kaasi oo sababay Khasaare dhimasho & dhaawac.

Inta la xaqiijiyay iska horimaadkaas ayaa waxa ku geeriyootay laba ruux oo shacab ah, halka Al-Shabaab uu iska hor imadkaas uu ka soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacabka kana soo jeeda deegaanada lagu dagaalamay ayaa sheegay in Al-Shabaab loo soo farmuqay dadka helay dhagaxdaas, taas oo sababtay in ay weerar ku qaadaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhagaxda gaadiid sida lagu qabtay deegaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka war heleen in Muqdisho loo soo wado, si looga iibiyo dadka daneeya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com