Home Wararka Maanta Senator Dhagey oo ka hadlay ninka dhalinyarada ee Dhuusamareeb lagu dilay

Senator Dhagey oo ka hadlay ninka dhalinyarada ee Dhuusamareeb lagu dilay

Senetor Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo ka mid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa ka hadlay dilkii maanta ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Dilkan loo gaystay Shaafici Xaaji Diiriye oo caan ka ahaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa u gaystay ilaalada Senetor Yuusuf Geelle Ugaas.

Senetor Yuusuf Geelle ayaa marka hore dilka ninkaasi kaga tacsiyadeeyay qoyskii, eheladii iyo dhammaanba umadda Soomaaliyeed.

“Alle ha u naxariisto Shaafici Xaaji Diiriye oo ku geeriyooday maanta Dhuusamareeb, waxaan kaga tacsiyeeynayaa geerida marxuumka qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Senatorka Golaha Aqalka Sare ka tirsan.

Waxa uu ka dhawaajiyay in ciddii ka masuulka ahayd dilkaasi uu ku wareejiyay laamaha amniga, isagoona ballanqaaday in sharciga lagu qaadi doono.

“Ugu dambeen waxaan halkaan ka cadeeynayaa in aan hay’adaha amniga ku wareejiyay falkaa foosha xun ciddii u geysatay marxuumka, cadaaladana waa loo marsiin doona.” Ayuu yiri Senator Dhagey oo warkan ku sheegay qoraal uu ka soo saaray dilkaasi.

Tallaabada lagu dilay Shaafici Xaaji Diiriye ayaa waxaa carro ka muujiyay qoyskiisa iyo weliba bulshada reer Dhuusamareeb, iyadoo hadalhayn badana ay ka dhalatay.

Tan iyo markii Ciidamada Dowladda Somaliya lagu wareejiyay Magaalada Dhuusamareeb (bishii November) ayaa waxaa magaaladaasi ku soo badanayay dilalka ay ka gaysanayan Ciidamada Dowladda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com