Home Wararka Maanta SAWIRRO: Xarunta labaad ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha oo Muqdisho laga furay

SAWIRRO: Xarunta labaad ee Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha oo Muqdisho laga furay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga kajaray xarunta labaad (2-aad) ee hey’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada federaalka Soomaaliya oo laga hirgaliyay degmada Cabdicasiis.

Xaruntan cusub ee la daahfuray ayaa ah mid loogu adeegi doono bulshada Caasimadda ku dhaqan gaar ahaan 8-Degmo oo katirsan gobolka Banaadir kuwaas oo kala ah Cabdicasiis, Kaaraan, Yaaaqshid, Shibis, Boondheere, Hiliwaa, Shangaani iyo Xamar Weyne.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahad celiyey Madaxda hey’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha dadaalka ay geliyaan sida loo hirgelin lahaa Xaruntaas oo baahi weyn u qabeen Bulshada Shanta degmo.

Xarunta Hay,adda Socdaalka & Jinsiyadaha dowladda Federalka Somaliya oo ku taallo wadada Shaqaalaha ayaa caqabad wayn ka taagan oo dadka dhibaatooyin kala duwan ay kala kulmaan ciriiriga & saxmadda ka taagan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com