Home Wararka Maanta SAWIRRO: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo

SAWIRRO: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed ayaa dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo, kadib markii muddooyinkii dambe uu ku sugnaa Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweyn kadib loo galbiyay Xarunta Madaxtooyadda Magaalada Baydhabo, halkaasi oo ammaankeeda si wayn loo adkeeyay.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho wuxuu kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Somaliya oo uu kala hadlay horumarinta deeganada Maamulka Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com