Home Wararka Maanta SAWIRRO: Jabuuti oo Diyaarad gargaar sida gaarsiisay Beledweyne

SAWIRRO: Jabuuti oo Diyaarad gargaar sida gaarsiisay Beledweyne

Diyaarad siday gargaar oo ay soo dirtay Dowladda Jabuuti ayaa soo gaartay Magaalada Beledweyne, gargaarkani oo loogu talo Galay In lagu caawiyo Dadka ay saameysay Fatahaada Beledweyne, waxaana gar gaarka uu isugu jiraa Bur, Bariis, Sokor, Saliid, Timir iyo Mac macaan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan oo gar gaarkani kula wareegay Garoonka Ugaas Khaliif ayaa ka mahadceliyay garab istaaga Shacabka Iyo Dowladda Jabuuti, waxaana Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Dowladiisa uu ka codsaday in ay ka gacan siiyaan Helista Gaadiidka Birta culus sida baalayaasha, Cagafta, iyo gaadiidka kale ee la halmaala islamarkaana loo adeegsado Biyo xireenka.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi oo Kulan la qaatay, Saraakiisha Gar gaarkani soo gaarsiiyay Beledweyne ayaa ka mahadceliyay garab istaaga had iyo jeer Ay la garab taagan yihiin Guud ahaan dadka soomaaliyeed gaar ahaan reer Hirshabelle.

Gargaarkaan ayaa lagu wadaa maalmaha soo socda in la gaarsiiyo dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Beledweyne si dadka caawimaada si nadiif ay ugu helaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com