Home Wararka Maanta SAWIRRO: Guddoonka Baarlamaanka oo la kulmay Guddiga Xeerarka Doorashooyinka

SAWIRRO: Guddoonka Baarlamaanka oo la kulmay Guddiga Xeerarka Doorashooyinka

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii Magaalada Muqdisho kula kulmay Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhameystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Xilli hadalhayn xoogan ay ka taagan tahay dib u dhac ku yimaada hannaanka Doorashooyinka Qaranka ayaa waxay Guddoonka Labada Aqal warbixin ka dhageysteen Guddiga.

“Guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhammaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Golaha Aqalka Sare uu ku leeyahay Facebook.

Waxa sidoo kale lagu yiri “Warbixinta Guddiga Wadajirka ee Labada Gole waxaa jeediyay Gudomiyaha Guddiga, Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow.”

Kulankan oo Saxaafadda ay dibadjoog ka ahayd ayaa si furan uga qabsoomay Xarunta Golaha Shacabka, oo ku dhex taala Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

Tiro sawirran ah oo lagu soo bandhigay bogga Golaha Aqalka Sare ayaa muujinaya in masuuliyiintii kulanka ka qaybgashay ay wa-xooggaa kala dudursanaayeen, baqdinta laga qabo faafitaanka COVID-19 awgii.

Siyaasiyiinta mucaaradka waxaa ay marar badan ka diggeen dib u dhac ku yimaada xilligii loogu talagalay inay ku qabsoomto doorashada dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com