Home Wararka Maanta SAWIRRO: Guddiga Wadajirka oo soo geba-gabeeyay shaqadii loo igmaday

SAWIRRO: Guddiga Wadajirka oo soo geba-gabeeyay shaqadii loo igmaday

Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta soo geba-gabeeyey shaqadii loo igmaday.

Guddiga ayaa warbixintooda ku saabsan afarta xeer ee loo xilsaaray u gudbin doona Guddoonka Labada Aqal ee ee Baarlamaanka Somaliya.

Kulankoodii ugu dambeeyay oo ay maanta yeesheen ayaa waxaa shir guddoominayay Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow, Gudoomiyaha Guddiga Wadajirka ee Diyaarinta Xeerarka Dhamaystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka, waxaana goobjoog kaa ahaa xubnaha guddiga.

Gudoomiyaha ayaa sheegay inay maanta soo geba-gabeeyeen hawshii loo xilsaaray, isla-markaana xogihii ay uruuriyeen u gudbin doonaan Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya.

“Maanta waxaa xaqiiqowday in shaqdii waqtiga iyo maskaxda la geliyay ee lagu dadaalay soo geba-gabowday ee umadda Soomaaliyeed iyo Baarlamaankaba ay naga sugayeen, waxaana hadduu Alle yiraahdo warbixinta guddiga u gudbin doonnaa Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya.” Ayuu yiri Gudoomiye Yarow.

Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre uu Khamiistii ku baaqay in si deg deg ahi looga shaqeeyo, sidii ay doorashada ugu qabsoomi laheyd waqtigeeda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com