Home Wararka Maanta SAWIRRO: Caabudwaaq oo laga xusay 60 guurada ka soo wareegatay madaxbannaanida dalka

SAWIRRO: Caabudwaaq oo laga xusay 60 guurada ka soo wareegatay madaxbannaanida dalka

Magaalada Caabduwaaq ayaa xalay si weyn looga xusay 60 sano guurada ka soo wareegatay markii Gobolada Koonfurta ka xoroobeen gumeystihii caddaa ee Talyaaniga iyo midowgii Gobolada Koonfurta & Waqooyiga Somaliya.

Munaasabadda 1-da Luulyo oo lagu qabtay Xarunta Agoonta ee Taakulo ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Galmudug, Madaxweyne Kuxigeenka, Golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo qaybaha bulshada.

Madaxweynaha Galmudug iyo Kuxigeenkiisa ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, markii xilliga kala wareegga saacadda ay ku beegneyd 12:00am.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug ayaa khudbad uu ugu talagalay Munaasabadda 1-da Luulyo ka jeediyay Xarunta Agoonta ee Taakulo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda 1-da Luulyo, oo maanta oo kale lixdan sano ka hor ay xoroobeen Goboladii Koonfureed, sidoo kalana ay israaceen Goboladii Koonfurta iyo kuwii Waqooyiga ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay halgankii adkaa ee loo soo galay xornimada ayna maanta ku naallooneyno, oo naf iyo maalba ay u soo hurayn aabayaasheen.

Halkan ka daawo khudbadda Madaxweynaha

Munasabadda 1 da Luuliyo

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeenayaa munaasabadda 1da Luuliyo oo ku beegan sanad guuradii 60aad markii ay Gobolada koonfureed xoriyada qaateen iyo israaci waqooyi iyo Koonfur.

Gepostet von Ahmed Abdi Kaarie am Dienstag, 30. Juni 2020

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com