Home Wararka Maanta SAWIRRO: Axmed Madoobe oo gaaray Magaalada Boosaaso

SAWIRRO: Axmed Madoobe oo gaaray Magaalada Boosaaso

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Boosaaso, waxaana ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ugu sareeyay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweyne-yaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa kulan ku leh Magaalada Boosaaso, kaasoo sida la soo sheegayo looga hadlayo arrimaha siyaasadda dalka iyo weliba amniga.

Labada Madaxweyne ayaa ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada, ee ay siyaasadda isu hayaan Dowladda Federaalka Somaliya.

Sidoo kale kulankan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa, iyadoo maalmaha ina soo aadan ay Magaalada Dhuusamareeb ka dhacayan Doorashooyinka Guddoonka Baarlamaanka iyo midda Madaxtooyada.

Imaanshaha Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa laga hadalhaya Magaalada Boosaaso iyo guud ahaan deegaanada Puntland.