Home Uncategorised Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo lagu dhaawacay gudaha Xafiiska Ra’iisul...

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo lagu dhaawacay gudaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Sida ay xaqiijiyeen ilo Xog ogaal ah oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa shalay duhurkii waxaa lagu dhex dhaawacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya.

Falkaan ayaa yimid kadib markii Sarkaalkaan uu muran soo kala dhexgalay Askari ka tirsan Ilaalada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, waxaana taasi ay keentay askarigii oo carooday in uu xabad ku dhufto ninka Sarkaalka ah

Sarkaalka la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa Cabdi Yaasiin, waxaana xabada ay kaga dhacday Qaybaha Sare ee Jirkiisa, isaga oo xaaladiisa caafimaad hada lagu dabiibaayo Isbitaalka Daarul Shifa ee Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah ehelada Sarkaalkaasi ayaa u xaqiijiyay Dhacdo.com xaalada Cabdi Yaasiin inaysan wanaagsaneyn oo uu liito, balse dhaqaatiirta ay la tacaalayaan.

Askariga falka dhaawaca Sarkaalkaasi ka dambeeyay ayaa durba waxaa xiray ciidamo kale oo ka tirsan ilaalada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya.

Sarkaal Cabdi Yaasiin, ayaa horay u soo noqday Taliyihii ciidamada Ilaalada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya, wuxuuna degan yahay Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir.

Masuuliyiinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya weli kama aysan hadlin dhacdadaan lagu dhaawacay Sarkaalka ka tirsanaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya uu safar dhanka dibada ah ku maqan yahay.