Home Wararka Maanta Salaad Cali Jeele oo sheegay inuu dhicisoobay rajadii laga lahaa shirka Magaalada...

Salaad Cali Jeele oo sheegay inuu dhicisoobay rajadii laga lahaa shirka Magaalada Copenhagen

Siyaasiga Salaad Cali Jeele oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliyeed, ayaa rajo xumo ka muujiyay hamigii laga lahaa shirka maanta ka furmay Magaalada Copenhagen ee Xarunta Wadanka Denmark.

“Rajadii laga lahaa shirka Copenhagen ma muuqato,hamigii loo qabay iyo sida ay u nusqaatan isma lahan, waad arkeysaa inay nusqaatan rajadii laga lahaa.” ayuu yiri Siyaasiga Salaad Cali Jeelle.

Tani, ayuu ku macneeyay mid salka ku heysa khilaafka xargaha goystay ee u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Isagoo la hadlaayay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, ayuu soo hadalqaaday tallaabadii uu Mareykanku ku sheegay in dhaqaalaha uu ka jaran doono Somaliya, haddii aynaan heshiisin Madaxda Dowladda.

“Mareykanka weligiis ma dhihin taageerada waan ka jaranayaa Somaliya, haddii aysan heshiisin Madaxda Dowladda Somaliya, hadalkaasi hadal yar maaha waa hadal weyn.” ayuu yiri Siyaasigu.

Saalad Cali Jeele, ayaa intaa ku daray in shirka Copenhagen uu maanta furmay, xilli khilaafka Madaxda Dowladda Somaliya uu taagan yahay, taasina ay sii xoojineyso yaraanshaha hamigii loo lahaa shirkaasi.

Siyaasigaan, ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisa ugu baaqay inay si deg deg ah xal kaga gaaraan, arrimaha ay isku hayaan, maadaama ay iyagu yihiin Madaxdii Somaliya ugu sareysay.