Home Wararka Maanta Rag hubaysan oo lagu toogtay Suuqa Bakaaraha

Rag hubaysan oo lagu toogtay Suuqa Bakaaraha

Wararka aan ka helayno Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo Boolis ah & dabley hubaysan oo watay Bistoolado.

Ciidanka Booliska ayaa la sheegay inay ku jireen roondo Suuqa gudihiisa ah, waxaana ay iska hor yimaadeen labadan dhalinyarada ah ee watay Bistooladaha, kadibna waxaa dhexmaray israsaaseyn.

Labadii dhalinyarada ahaa ayaa goobtaasi ku dhintay, sidoo kale qof shacab ah oo joogay Suuqa Bakaaraha ayaa isagana ku dhintay xabadihii la isdhaafsaday, dhanka Ciidanka waxaa dhaawac ah hal Askari oo Ciidamada Booliska ka tirsan, sida Saraakiil ii xaqiijiyeen.

Falkaan ayaa wuxuu ka dhacay nawaaxiga Suuqa Maacuunta ee gudaha Suuqa Bakaaraha, waxaana illaa & hadda yaala maydka labadii nin ee ciidanka ay dileen oo aan la ogeyn Shabaab & Daacish waxa ay yihiin.

Suuqa Bakaaraha ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxaa lagu dhex dilay laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Somaliya, xilli Suuqa gudihiisa ay dhex maraayeen.

Goobta lagu dilay raggaan hubaysan ayaa waxaa jooga Ciidamada Booliska & Taliyaha Saldhiga Degmada Hawlwadaag, waxaana xiray goobta ay yaalaan labada nin ee maydka ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com