Home Wararka Maanta Qoyska Nuur Cadde oo beeniyay wararka sheegaya in uu geeriyooday

Qoyska Nuur Cadde oo beeniyay wararka sheegaya in uu geeriyooday

Qoyska Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa beeniyay wararka sheegaya geeridiisa.

Ra’iisal Wasaarihii Dowladdii KMG ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa la sheegay in uu ku xanuunsayo isbitaal ku yaala Magaalada London, ka dib markii uu ku dhacay xanuunka Coronavirus.

Bulshada qaybteeda ayaa si aan laga fiirsan dadka kula wadaagay barraha bulshada geerida Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), isla-markaana uu u geeriyooday cudurka dilaaga ah ee COVID-19.

Maxamed Nuur Cadde oo ah wiil uu dhalay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya ayaa beeniyay in uu aabihii u geeriyooday xanuunka saf marka ah ee Coronavirus.

Maxamed Nuur Cadde oo la hadlay Radio Dalsan ayaa xaqiijiyay in aabihii uu noolyahay, isla-markaana ay xaaladiisa caafimaad ka soo reynayso.

Senator Maxamed Amiin oo ka mid ah Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya geerida Nuur Cadde.

Senator Maxamed Amiin oo ku sugan Magaalada London ayaa Dalsantv u sheegay in uu noolyahay Nuur Cadde, inkastoo uu la xanuunsayo Coronavirus.

Wiil uu dhalay Nuur Cadde oo lagu magacaabo Daahir Nuur ayaa la soo sheegaya sidoo kale in uu ku dhacay xanuunka COVID-19.

Nuur Cadde ayaa noqonaya masuulkii ugu sareeyay ee dalka xil ka soo qabta, oo uu ku dhaco cudursidaha dunida oo idil gilgilay ee Coronavirus.

Mar sii horeysay waxaa xaaladda Nuur Cadde uga waramay Idaacadda Kulmiye, Ex Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cali.

Halkan ka dhageyso wareysiga Cabdiraxmaan Maxamed Cali:-

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com