Home Wararka Maanta Qoorqoor oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Caabudwaaq (SAWIRRO)

Qoorqoor oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Caabudwaaq (SAWIRRO)

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug oo xalay ku hoyday Magaalada Caabudwaaq ayaa maanta kula kulmay Golaha Dhaqanka ee reer Caabudwaaq.

Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehlinayay Kuxigeenkiisa, Cali Daahir Ciid iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada.

Kulanka oo ahaa mid diiradda lagu saarayay dardargelinta dadaalada nabadeed iyo horumarinta deegaanada Galmudug ayuu Madaxweynaha uu Odayaasha Dhaqanka ka dhageystay waxyaabo ay ka cabanayan.

Madaxweynaha ayaa reer Caabduwaaq u sheegay in maamulkiisu diyaar u yahay in uu cid kasta kala hadlo tabashadeeda, si Galmudug kaga beerin hiigsigeeda mustaqbalka.

Reer Caabudwaaq oo aad moodda in ay ka caroodeen inaanu weli booqasho ugu imaan Madaxweynaha ayaa maalintii Axada jeex-jeexay sawirada Madaxweynaha.

Hase ahaatee Madaxweyne Qoorqoor ayaaba maalin ka dib booqasho ugu tagay bulshada reer Caabudwaaq, iyadoona uu maanta Hoggaanka Dhaqanka ka dhageystay waxa ay tabanayan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com