Home Uncategorised Qarax miino oo ka dhacay maqaaxi ku taala duleedka Degmada Afgooye

Qarax miino oo ka dhacay maqaaxi ku taala duleedka Degmada Afgooye

Qarax jug xoogan uu ka dhashay, ayaa galabta waxa uu ka dhacay afaafka hore maqaaxi ku taala deegaanka Muuri, oo dhacda duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa, ayaa goobtaasi laga maqlay, xilli ay gaareen Ciidamada Dowladda Somaliya oo la socday gaari. Ciidamada oo ka yimid Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday Magaalada Marka, ayaa waxay maqaaxida ugu hakadeen, si ay shaah kaga cabaan.

Ma cadda in qaraxu uu ku xirnaa gaariga iyo in horey loogu sii diyaariyay ilinka hore ee maqaaxida. Waxaase la ogyahay in uu geystay khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur maaliyadeedba leh.

Haweeneydii maqaaxida heysatay, ayaa la soo sheegayaa in qaraxaasi ay ku dhimatay, iyadoo ay ku dhaawacantay gabar kale oo ay dhashay, halka askarta Dowladda iyana ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay. Laakiin lama garanaayo inta ay gaarsiisan tahay.

Gudoomiye Ku Xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey), ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan qaabka uu qaraxaasi u dhacay.

Cumar Carabey oo u waramay Dhacdo.com, ayaa qiray in qaraxu uu khasaaro kala duwan geystay, laakiin ay dib kaga soo faah faahin doonaan Warbaahinta.

Shabaabka, ayaa horey qaraxyo ugu xiray maqaaxiyadaha ay fariistaan Ciidamada Dowladda Somaliya, waxayna waxyeelo kala duwan ka soo gaartay askarta iyo dad kaloo rayid ahba.