Home Wararka Maanta Puntland oo sheegtay inay ka falcelineyso weerarkii Magaalada Garoowe

Puntland oo sheegtay inay ka falcelineyso weerarkii Magaalada Garoowe

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa baaq la wadaagay dadka reer Puntland, ka dib markii xalay la xaqiijiyay geerida Gudoomiyihii Gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xersi (Gujir).

Gudoomiyaha ayaa Isbitaalka weyn ee Garoowe ugu geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray weerar ismiidaamin ahaa, oo lagula eegtay Barxadda Magaalada Garoowe. Weerarkaasi waxaa masuuliyadiisa sheegatay Al Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa marka hore sheegay in uu socdo baaritaan la xiriira xaaladdii ka dhalatay weerarkaasi ismiidaaminta ah iyo weliba ciddii ka dambeysay.

Wasiirka ayaa shaaciyay in ninka qaraxa fuliyay ay hayaan qayb ka mid ah macluumaadkiisa, inta dhimana ay ku daba jooggaan, sida uu yiri.

Shacabka reer Puntland ayuu ugu yeeray in ay ka feejignaadaan dhibaatooyinka ka imaanaya maleeshiyada Al Shabaab, loona diyaargaroobo in la iska dhiciyo, iyadoo halmeel looga soo wada jeedsanayo.

Wasiir Dhabancad ayaa dadweynaha ugu yeeray inay laamaha amniga la wadaagaan wixii macluumaad ah ee ay hayaan, lana xiriira arrimahaasi.

Wasiirka ayaa ugu dambeen sheegay in Puntland ay ka falcelin doonto weerarada ay Shabaabku ka gaysanayan deegaanadeeda, oo ay ugu dambeysay middii xalay ka dhacday Magaalada Garoowe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com