Home Wararka Maanta Puntland oo karantiishay Ajaanib looga shakiyay Covid-19

Puntland oo karantiishay Ajaanib looga shakiyay Covid-19

Maamulka Puntland ayaa shaaciyay maanta oo sabti ah inay karantiileen dad looga shakiyay Coronavirus, kuwaasi oo ku sugan Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ayaa waxaa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen 5 Ruux oo 4 ka mid ah ay yihiin Ajaanib u dhashay dal kale, halka kan kalena uu yahay Ruux Soomaali ah, kuwaasi oo la geeyay Xarun gooni ah oo loogu talagalay in dadka lagu karantiilo.

Waxa uu sheegay Wasiir ku-xigeenka in dadkaas ay baaritaano ku socdaan uuna baaritaankaas qaadan karo muddo saddex maalmood, isla markaana xaaladooda  Caafimaad dadkaas ay wanaagsan tahay.

Isaga oo hadalka sii wata ayaa Wasiir Ku xigeenka Caafimaadka Puntland waxa uu tilmaamay shantaan ruux in lagu arkay Astaamo muujinaayo Covid-19, balse baaritaanka wax waliba ay ku cadaan doonaan.

Caabuqa Coronavirus ayaa walaac xoog leh wuxuu ku hayaa Caalamka, kadib markii si deg deg ah dunida uu ugy faafay, dad badana ay u dhinteen.

Somaliya illaa hadda waxaa laga diiwaangeliyay dad gaaraya Saddex ruux oo mid ka mid uu yahay shaqsi Ajnabi ah oo ku sugan xerada Xalane.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com