Home Wararka Maanta Ololaha wecyigelinta oo ku fiday Masaajida Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Ololaha wecyigelinta oo ku fiday Masaajida Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Masaajida Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qaarkood la gaarsiiyay agabyo loo adeegsanayo in looga hortaggo faafitaanka xanuunka dilaaga ah ee COVID-19.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Somaliya ayaa maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Muqdisho ka wada ololaha wecyigelinta, ee ka hortagga cudursidaha COVID-19, ee uu keeno Coronavirus.

Wasaaradda ayaa maanta qaar ka mida Masaajida magaalada ku yaala u qaybisay afuufka afka iyo sanka lagu xirto, gacmo gashi iyo cod baahiye-yaal, ay tahay inay dadka kaga wecyigeliyaan xanuunka.

Dadka ku xiran Masaajida ee markasta ku soo tukada ayaa waxaa sidoo kale laga wecyigelinaya bal inay marka hore fahmaan halista xanuunka, deetana ay ku dadaal sidii ay taxadar badan u samayn lahaayen.

Sheekh Nuur Maxamed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay in ololahooda ay wadi doonaan muddo sideed toddobad ah, iyadoona uu bulshada ugu yeeray inay markasta kala fogaadaan.

Wasiirka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale sheegay in agabka ay qaybiyeen uu yahay mid ay ugu talagaleen in lagu ilaaliyo bad-qabka dadka ku xiran Masaajida, loogana baahan yahay in ay isticmaalaan, isla-markaana ay kala fogaadaan.

‚ÄúAgabkaan waxaan ugu talagalnay inaan ku illaalino bad-qabka Jameecada Masjidka imaaneysa waxaan loo baahan yahay inay isticmaalmaan af xerashada, si looga fogaado faafitaanka cudurkan safmarka ah ee COVID-19, sidoo kale waa inay dadka kala fogaadaan.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Somaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa galabta sheegtay in xaaladaha guud ee dalka laga diiwaangeliyay ay gaarayan 1,594, taa oo muujineysa sida uu xanuunka maalinba maalinta ka dambeysaa dalka ugu sii fidaayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com