Home Wararka Maanta Nin curyaan ahaa oo caawa lagu dilay Magaalada Baydhabo

Nin curyaan ahaa oo caawa lagu dilay Magaalada Baydhabo

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in caweyskii caawa lagu dilay nin curyaan ahaa, oo laga garanayay Xarunta Gobolka Baay.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Shariif Mukhtaar ayaa waxaa lagu dhex dilay hoygiisa, oo ku yaala xerada barakacayaasha Albaraka, oo dacalka ku haysa Garoonka Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Aadan Caliyow oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Shariif Mukhtaar oo curyaan cago la’aa, ay si naxariis darro ah u dileen rag qoryo ku hubeysnaa.

“Waxay ahayd dhacdo xanuun badan runtii. Nin curyaan oo masaakiin ah ayaa la dilay. Curyaan markaan ku leeyahay waxaan ugala jeedaa lugo ma lahayn. Niman qoryo watay ayaa gurigiisa ugu galay, wayna ku dileen. Si naxariis darro ah ayay welibana u dileen, goobtana way ka baxsadeen.” Ayuu yiri Aadan Caliyow.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay inaanay waxba kala socon asbaabta loo dilay marxuumka, inkastoo sida uu sheegay uu ahaa Gudoomiyaha Xerada Albaraka, oo ay degan yihiin dad barakacayaal ahi.

“Anaga waxa loo dilay ma sheegi karno, aan ka ahayn inuu ahaa Gudoomiyaha Kaamka Albaraka, oo ku yaalo Airport-ka Baydhabo geeskiisa.” Ayuu yiri Aadan Caliyow oo la hadlay Dhacdo.com.

Dhacdo.com ayaa sidoo kale ogaatay in Shariif Mukhtaar uu xilligan ku magacawnaa Gudoomiyaha Ururka Naafada ee Magaalada Baydhabo.

Ma cadda cid sheegatay masuuliyadda dilka Shariif Mukhtaar, balse waxaa si dhow loola xiriirinaya mintidiinta Ururka Al Shabaab, oo iyagu looga bartay dilalka qorsheysan.

Shariif Mukhtaar ayaa ku heyb ahaa Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana jirin wax war ah oo ay dilkiisa ka soo saareen Saraakiisha Ciidamada iyo Maamulka Degmadaba.

Dilka caawa ka dhacay Magaalada Baydhabo waxaa uu ku soo aadayaa, xilli muddooyinkii ugu dambeysay uu ka soo reynayay amniga magaalada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com