Home Wararka Maanta Najax oo si adag uga horyimid in Afgooye ka qaybgasho tartanka Gobolka...

Najax oo si adag uga horyimid in Afgooye ka qaybgasho tartanka Gobolka Banaadir

Ibraahim Aadan Cali (Najax), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa si adag uga soo horjeestay in Degmada Afgooye ka qayb qaadato tartanka koobka kubadda cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sanadkan Degmada Afgooye ku soo daray jadwalka 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, ee ay tahay inay ka qayb qaataan tartanka koobka kubadda cagta.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa wareysi uu siiyay BBC ku sheegay inay tani liddi ku tahay hannaanka federaalism-ka ee dalka ka jira.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in maamulada iska kaashan karaan waxyaabaha wanaagsan, balse aysan jirin wax talo-gelin ah oo Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose lagala yeeshay qorshaha Degmada Afgooye loogu soo daray tartanka koobka kubadda cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa tibaaxay haddii ay tani ka aamusaan in waxyaabo kalana ay xiggi karaan, sida uu yiri

Halkan ka daalaco wareysiga Gudoomiye Najax

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com