Home Wararka Maanta Muwaadiniin ku xanibnaa dalka Kenya oo maanta ka soo dagay Garoonka Aadan...

Muwaadiniin ku xanibnaa dalka Kenya oo maanta ka soo dagay Garoonka Aadan Cadde

Magaalada Muqdisho maanta waxaa soo gaaray Muwaadiniin Soomaaliyeed oo maalmihii la soo dhaafay ku xayirnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, ka dib markii duulimaadyadda Soomaaliya iyo Kenya la joojiyay.

Tiradda Muwaadiniinta maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa dhan 114 muwaadin.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa fududeysay imaanshaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed, kadib markii maalmihii dambe ay iska diiwaangeliyeen xarunta Safaaradda.

Diyaarad ayaa ka soo qaaday Magaalada Nairobi, isla-markaana keentay Magaalada Muqdisho, dadkaan Soomaaliyeed ee ku xanibnaa dalkaasi Kenya.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Dowladda Somaliya ayaanan weli si rasmi ah u shaacin xilliga la furaayo duulimaadyada gudaha & dibadda, oo loo xiray sababo ku aadan Covid-19.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com