Home Wararka Maanta Muwaadin Somaliyed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Muwaadin Somaliyed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Waxaa wali sii socda tacadiyada & dilalka loo gaysanaayo muwaadiniinta Somaliyed ee ganacsi ku leh dalka Koonfur Afrika, iyadoo aysan jirin Isbedel ku yimid xagga ammaanka dadka Somaliyed.

Xalay ayaa tuulo hoostagta Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, waxaa lagu dilay muwaadin Somaliyed, xilli sidoo kale dhac loo gaystay goobtii ganacsi ee uu halkaasi ku lahaa.

Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yaasiin Maxamed, waxaana dilka loo geystay uu ka dhacay goob ganacsi uu ku lahaa xaafad lagu magaacaabo Philipi oo hoostaga Magaalada Cape Town.

Xilliga falka dilka uu dhacaayay ayaa waxaa la sheegay in muwaadinkaan uu ku hawlanaa xiritaanka goobtiisa ganacsiga, isaga oo u hoggaansamaayay amar dowladda ka soo baxay, kaasi oo ahaa bandowga Magaalada.

Burcadii dilka gaysatay ayaa dhacday goobtiisii ganacsiga, waxaana intaasi kadib ay ka baxsadeen goobtii ay ka gaysteen dhibaatada.

Ganacsato Somaliyed oo tagay goobta ay wax ka dhaceen, ayaa maydka Marxuumka halkaasi ka soo qaaday, waxaana lagu wadaa maanta in la aaso.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com