Home Wararka Maanta Muungaab oo shirka Copenhagen ka jeediyay waxyaabaha uu qaban doono (SAWIRRO)

Muungaab oo shirka Copenhagen ka jeediyay waxyaabaha uu qaban doono (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa waxa uu maanta khudbad ka jeediyay shirka ka furmay Magaalada Copenhagen ee Caasimada Denmark.

Gudoomiyaha, ayaa si diiran kaga hadlay hawlaha horyaala Maamulka Gobolka Banadir ee looga baahan yahay, si uu u fuliyo waajibaadkiisa shaqo, ee ku aadan hiigsiga sanadka 2016-ka.

“Hiigsiga Gobolka banaadir ee 2016 waa Muqdisho oo nabad ah, ka caaggan fal argagxiso, soona ceshata bilicdeeda, shacabka Soomaaliyeedna ay ugu wada noolaadaan si siman oo caddaalad ah.” ayuu yiri Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa yiri “Maamulka Gobolka Banaadir waxaa ka go’an in shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin ee assaasiga ah, sida Waxbarashada assaasiga oo lacag la’aan ah, biyo nadiif ah oo joogto ah, caafimaadka assaasiga oo lacag la’aan ah, koronto qiimo jaban, adeegga qashin qaadista, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, sida wadooyinka, suuqyada, gargaarka deg degga ah iwm.”

Muungaab, ayaa ka dhawaajiyay in barnaamijka dimuqraadiyeenta uu ka bilaabanaayo Magaalada Muqdisho, si shacabka Muqdisho ay u helaan xuquuqda ay lee yihiin, sida uu qeexaayo Dastuurku.

Muungaab, ayaa ka mid ahaa Masuuliyiinta Gobolada Somaliya ee lagu soo casuumay shirka ka bilowday Xarunta Wadanka Denmark ee Copenhagen, ee looga hadlaayo arrimaha Somaliya.

MuungaabMuungaab1Muungaab3Muungaab2