Home Wararka Maanta Militariga Somaliya oo la wareegay Deegaanka Toora Toorow (SAWIRRO)

Militariga Somaliya oo la wareegay Deegaanka Toora Toorow (SAWIRRO)

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxay maanta bilaa dagaal kula wareegeen Deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabellaha Hoose, oo muddo dheer ay ka arrimineysay Al Shabaab.

Ciidanka Danab oo ka tirsan Xoogga Dalka ayaan wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyada Al Shabaab, iyadoo ay Shabaabku isaga baxeen deegaankaasi, ka hor intii aanay soo saarin Ciidanka Danab.

Ciidanka Danab oo ka dhaqaaqay Garoonka Balli-doogle ee duleedka Degmada Wanlaweyn ayaa si nabdoon ku gaaray Toora Toorow, oo hoos-tagta Degmada Awdheegle.

Wararka ka imaanaya Toora Toorow ayaa sheegaya in xaaladda halkaasi ay tahay mid degan, iyadoona ay hawlgal amni xaqiijin ah ka wadaan Ciidanka Militariga Danab.

Sida ay ku warantay Warbaahinta Qaranka waxay Ciidanka Danab gacanta ku dhigeen Garsoor ka tirsanaa Maxkamaddii Al Shabaab ee Toora Toorow.

Ma cadda in Ciidanka Dowladda Somaliya ay ku sii nagaan doonaan Deegaanka Toora Toorow iyo in kale, xilli ay horey uga soo baxeen muddo dhawr sano laga jooggo, mar ay kala wareegeen Al Shabaab.

Toora Toorow ayaa waxay muhiim u ahayd Al Shabaab, iyadoo ay dhaqaale badan kaga soo xaroon jirtay, waxaana xusid mudan in dadka reer Muqdisho ay u cadaalad doonan jireen Maxkamaddii Al Shabaab ee Toora Toorow.

Bishii August ayay ahayd markii Ciidanka Xoogga Dalka ay Al Shabaab ka saareen Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.