Home Wararka Maanta Maxay ka wada hadleen Wakiilka QM & Wasiir Cawad? (SAWIRRO)

Maxay ka wada hadleen Wakiilka QM & Wasiir Cawad? (SAWIRRO)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan, waxa uu kala hadlay wadashaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey , arrimaha siyaasadda, nabadgelyada iyo dhaqaalaha.

Intii ay ku guda-jireen kulankooda, waxa ay si qoto dheer u falanqeeyeen horumarka laga sameeyay dib u heshiisiinta qaran iyo wadahadalka siyaasadeed ee Soomaalida si loo gaaro horumar dhanka nabadda ah iyo is-oggol ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka bilowga sanadka 2021.

Qaramada Midoobay ayaa taageero dhaqaale & mid farsamo waxa ay la garab taagan tahay dowladda Federalka Somaliya.

Somaliya ayaa la filayaa dhawaan inay ka dhacdo doorasho, inkastoo Guddiga doorashada ay ku adkeysanayaan doorasho qof & cod, haddana dadka rajo badan kama qabaan inay dhacdo doorasho noocaasi ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com