Home Ciyaaraha Mali Iyo Cameroon Oo Barbaro Ku Kala Baxay, Xili Group D Ay...

Mali Iyo Cameroon Oo Barbaro Ku Kala Baxay, Xili Group D Ay Min Hal Dhibic Urursadeen

Xulalka qaramada Mali iyo Cameroon oo kawada tirsan Group D ayaa barbaro 1:1 ah ku kal baxay. Mali ayaa goolka ku hormaray waxayna u muuqatay inay guul ka gaadhayso Cameroon balse gool uu Ambroise Oyongo u dhaliyay Cameroon ayaa ka horjoogsatay Mali inay saddexda dhibcood qaataan. Group D ayay Mali, Cameroon, Ivory Coasta iyo Guinea wada lee yihiin min hal dhinic kadib markii ay dhamaantood barbaro galeen kulamadii wareega kowaad ee Groupkan.

kulanka ugu danbeeyay kulamada wareega kowaad ee koobka qaramada Afrika ayaa dhex maray xulalka qaramada Mali iyo Cameroon. Mali iyo Cameroon ayaa ciyaaray kulankii labaad ee laga ciyaaro Group D kadib markii ay kulankii hore caawa barbaro ku kala baxeen xulalka qaramada Ivory Coast iyo Guiner oo iyaguna ka mid ah Group D.

Mali iyo Cameroon ayaa u dagaalamayay xulkii hogaanka u qaban lahaa Group D, waxayna kulankan ciaarayeen iyaga oo niyada ku haya in kooxda guulaysataa ay saddex dhibcood hogaanka ugu qaban doonto Group D. Bilagii ciyaartaba Mali ayaa abuurtay fursado goolal lagu dhalin kari lahaa balse goolhayaha Cameroon ayaa ka beeniyay.Qaybta hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid ay labada xul isku mari waayeen waxaana lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay ciyaatu inta badan ahayd mid laysku dhawaa isla markaan aad u adag. Mali ayaa ugu danbayn ciyaarta hogaanka u qabatay kadib markii uu Sambou Yatabare, kaas oo daqiiqadii 71 aad xulka qarankiisa Mali u dhaliyay gool qurux badan. Seydou Keita ayaana iska lahaa caawinta goolka Mali ee uu dhaliyay Yatabare, waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Mali hogaanka kula wareegtay.

Cameroon ayaana ka dagaalantay goolka ay Mali kaga hormartay waxayna sameeyeen dadaal badan taas oo keentay inay daqiiqadii 84 aad la yimaadaan goolka barbaraha, waxaana u dhaliyay goolkaas Ambroise Oyongo,wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay barbaro ay Mali iyo Cemaroon ay saddexda dhibcood ku kala qaybsadeen.

Laacib.net