Home Wararka Maanta Magaalada Muqdisho oo laga xusay Munaasabadda 1-da Luulyo (SAWIRRO)

Magaalada Muqdisho oo laga xusay Munaasabadda 1-da Luulyo (SAWIRRO)

Aqalka Madaxtooyada Qaranka ayaa lagu qabtay 60 sano guuradii ka soo wareegatay Xornimada Gobolada Koonfurta, israacii iyo midowgii Gobolada Koonfurta & Waqooyiga Somaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qaybgalay Munaasabadda 1-da Luulyo, oo sanadkan lagu qabtay Xarunta Villa Somalia.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, intii Calan-saarka ay ka socotay Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

Qoraal lagu daabacay barta Villa Somalia ku leedahay shabakadda bulshada wada xiriiriso ee Facebook ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu Arbacada maanta jeedin doono khudbadda uu ugu talagalay Munaasabadda 1-da Luulyo.

1-da Luulyo ayaa saqdii dhexe ee xalay laga xusay Magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado, Dhuusamareeb, Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo iyo magaalooyin kaloo dalka ka tirsan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com