Home Wararka Maanta Magaalada Gaalkacyo oo lagu qabtay xuska 1-da Luulyo (SAWIRRO)

Magaalada Gaalkacyo oo lagu qabtay xuska 1-da Luulyo (SAWIRRO)

Munaasabad ay soo qaban-qaabisay Madaxtooyada Puntland, laguna maamuusaayay 60 sano guuradii ka soo wareegatay madaxbannaanida dalka ayaa xalay lagu qabtay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Munaasabadda oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ee Waqooyiga Gaalkacyo ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, Golihisa Wasiirada, Xildhibaano, Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Kuxigeenkii hore, Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), Siyaasiyiin, Maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada, Saraakiisha Ciidamada iyo weliba bulshada qaybaheeda kala duwan.

Sidii caadada ahayd Madaxweynaha Puntland ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, markii ay saacadda ku beegneyd xilliga kala wareegga saacadda ee 12:00am.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ubax dhigay Taalada Calanka ee Xarunta Madaxtooyada Gaalkacyo, qaybta ay Puntland ka arrimiso.

Madaxweynaha Puntland oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay goobta ayaa kaga waramay xaaladda guud ee dalka, iyadoo dhanka kalana uu taageeray go’aankii Baarlamaanka Puntland, uu Isniintii kaga soo horjeestay Xeerarkii ay dhawaan meel-mariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com